Jaamacadda Al-Najaax iyo Jaamacadda Beder oo heshiis kala saxeexday.

0
Tuesday January 30, 2018 - 09:43:34 in Sawirrada isrogrogaya by mohamed shagaar
  • Visits: 1742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Al-Najaax iyo Jaamacadda Beder oo heshiis kala saxeexday.

    Heshiis is-kaashi ayaa dhexmaray Jamacadda Al-Najaax iyo Jaamacadda Beder ee caalamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiis is-kaashi ayaa dhexmaray Jamacadda Al-Najaax iyo Jaamacadda Beder ee caalamiga ah.

Heshiiskaas oo aroornimadii shalay oo uu tirsiga islaamku ahaa 10-05-1439 kuna beegnayd 27-01-2018 ee tirsiga miilaadiga ayaa ka dhacay xarunta Jaamacadda Al-Najaax ee magaalada Burxo, halkaas oo uu matalayey Jaamacadda Al-Najaax guddoomiyaha Jaamacadda Dr.faysal maxamed cali, Jaamacadda Beder na uu matalayey Prof. Mubaarik ibraahim aar.

Kulankaas lagu kala saxeexday heshiiska waxa kale oo goobjoog ka ahaa Madaxa fulinta ee Jaamacadda Al-Najaax Eng.Maxamed ibraahim samtar iyo sida oo kale Madaxa diiwaangelinta ee Jaamacadda Cabdisalaan Cabdilaahi Cali.

Heshiiskan oo qodobbadiisa ugu mudan laga xusi karo:

▪ Is-waydaarsiga deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare.

▪ Is-waydaarsiga ardayda iyo tababbariddooda.

▪ Is-kaashiga iyo wadaagga khibradaha kala diwan.

Heshiiskan ayaa la filaya marka uu taabbo galo kaddib in uu kor u qaadi karo is-kaashiga labada Jaamacadood ee islaamiga ah, ee bixiya barnaamijyada waxbarasho ee culuumta islaamka xidhiidh la leh.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip