Guddoomiyha Jaamacadda Al-Najaax Dr.Faysal Maxamed Cali ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Magaalo Xeebeedda Berbera maanto oo ah Axad 15/rajab/1439H. oo waafaqsan 1/4/2018M. Si uu uga qayb galo Dhagax dhigga Masjidka Iyo Machadka Berbera ee Culuumta Shareeceda iyo Luqadda Carabiga ee hoos taga Jaamacadda Al-Najaax.
Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu Xafladd loo diyaariyay ka soo jeediyay kalmad Dhiiri galin iyo ku baraarujin ah Dhamaan Dadka ahlu khayrka ah inay ka qaybqaataan Dhismahan Masjidka iyo machadkaba.
Waxaa xusid mudan in Jaamacadda Al-Najaax ay marwalba kudadaalayso iyadoo xaqiijinaysa hadafkeeda iyo Gudashada farriinta ku aadan taageeridda macaahidda sharciga ah iyo sidii loo hormarinlahaa si ay u noqdaan ilaha waxa Cilmiyeed iyo Aqooneedee Jaamacadda.