Jaamacadda Najaax

HORDHAC

Jaamacadda Najaax waa Mu’asasad Cilmi ah, oo leh ujeedooyin Xeeldheer Waxaana Aasaasay Aqoonyahano ku Takhasusay  Culuumta Islaamka . Waa jaamacaddii ugu Horaysay ee Culuumta Islaamka  ee Laga Furo Somaliland, Waxa Si Gaar ah Nasiib ugu Helay Gobolka Togdheer Gaar Ahaan Magaaladda Burco oo ah Xarunta Rasmiga ah ee Jaamacadda. 
Haddaba iyada oo jaamacaddu Higsanaysa in ay Risaaladeedda Gaadhsiiso Muslimiinta ku dhaqan Geeska Afrika Guud ahaan, waxaa is Waydiin leh in Wax Laga Tilmaamo Baahida Keentay in Waqtigan La Aasaaso,Iyada oo La ogyahay in Jaamacado Farabadani ay ka Jiraan dalka,Su’aashaa jawaabteedu waa  : 

 BAAHIDA KEENTAY JAAMACADDA NAJAAX

  • Markii La Arkay Inaanay Dalka ka Jirin Jaamacad  u Gaar ah Culuumta Islaamka 
  • Korodhka Macaahidda Lagu Barto Culuumta Shareecada iyo Baahida Loo Qabo in Ardaydu ay Tacliin Sare Helaan Marka ay ka Baxaan 
  • In Laga Faa,iideeyo Khubaradda Aqoonta dheer u Leh Shareecadda Islaamka ee ka Soo Baxaya Jaamacaddaha Dunida 
  • Markii Ay Muuqatay Luqaddii Carabiga oo Gabaabsi ku sii jirta Bulshaduna ay ka sii Fogaanayso Barashadeedda

Sababahan iyo kuwo kale oo Badan ayaa Keenay Fikradda Aasaasidda Jaamacadda  Al-Najaax 

ARAGTIDA JAAMACADDA NAJAAX

Jaamacadda Najaax Waxa ay Higsanaysaa inay Noqoto Jaamacadda ugu Wanaagsan Geeska Afrika ee Lagu Barto Culuumta Islaamka ,Iyada oo ku Dadaalaysa inay Soo Saarto Arday Tayo Leh oo Aqoonta kula Tartami kara Ardayda Wax ka Baratay Jaamacaddaha Waawayn ee Caalamka Islaamka.