Guddoomiyaha Jaamacadda Al-Najaax Dr.Faysal Maxamad Cali, Wasiiru Dawlaha Tacliinta JSL Maxamad Xaaji aadam,
iyo Sh Cali Maxamad Axmed (Cali Mawliid) oo ka mid ah Gloah Sare ee Jaamacadda Al-Najaax ayaa Booqosho Rasmi ah ku gaadhay Dalka Imaaraadka Carabta Duhurkii Khamiista.
Yada oo halkaa uu kula kulmi doono Gudoomiyaha jaamacaddu Masuuliyiinta Kala du-duwan ee Tacliinta, Guddoomiya-yaasha Jaamacadaha, iyo shuyuukhdka imaaraadka carabta.
Booqashadan oo lugu tala-galsanyahay in ay midha dhaliso, Albaabbada xidhiidhkana si waasiciso ayaa imanaysa goor wakhti kooban ka soo wareegay Heshiisyadii ay Jaamacaddu la saxeexatay Jaamacadah ugu waaway Dalka Sudan.
Halkaa oo ay Guddida Jaamacaddu sii laba-laabi doonaan dadaalkooda sidii ay uga dhabayn lahaayeen Shaxda 5 Sannadood ah(2015-2020) ee loo Dajiyay sidii Jaamacadda Heer-sare loo gaadhsiin lahaa.