Heshiis Dhex maray Jaamacadda iyo Markazka Imaamu Shaafici 
            
					
  
        - Visits: 38329
 
    
        -  




 (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0 
        
    -   0 0  
 
            - 
    
      Share
 
      
  
 
 
         
                  
			
			
            
      						
			Habayknii xalay ee Bisha barakaysaan ee Ramadaan ahayd 4/1437 ayaa Hotelka Tawakal Ee Magaalaada Burco ay ku kala saxeexdeen labada dhinac ee kala ah:                        
1- Jaamacadda AL-Najaax iyo 2-Markazka Imaamu shaafici Heshiis Istiraatiji ah, iyada oo halkaa uu ku matalayay Jaamcadda Guddoomiyaha Jaamacadda Dr Faysal Maxamad Cali, Markazkana uu matalayay Maamulaha Markazka Sh yuusuf Maxmuud Diirye.
Heshiiskaas oo u dhigan sida soo socota:
1- Markaza Imaamu Shaafici waxa uu hoos imaan doonaa Jaamacadda Dhanka wax barashada.
2- Jaamacaddu waxa ay wax ku yeelan doontaa Soo xulista Macallimiinta Markazka iyo Tayayntooda.
3- Waxa ay Jaamacaddu qaadi doontaa Itixaannada Markazka.
4- Heshiiskan waxa uu hirgali doonaa Taariikhdaa la kala saxeexday.