Waxa ku soo afmeermay Jaamacadda AL-Najaax maalintii salaasada 31-01-2017 tabo-bar kor luugu qaadayey heer-ka macallimiinta Jaamacadda luguna tayey-nayey, tabo-barkaas oo koobsaday: qaababka kala duwan ee macallinku wax ku gud bin karo, iyo qaababka qiimeynta iyo qiyaasidda heerka macallinka.
Tabo-barkaas oo uu soo jeediyay Dr.abdirahmaan Mohamed ahmed, oo ah hormuudka wax-barashada sare ee Jaamacadda AL-Najaax iyo sidoo kale cilmi-baadhista. Dr.abdi rahmaan oo sidoo kale ah qiimeeye barnaamijyada wax-barasho ee Jaamcadaha oo laga aqoonsayahay ururka Jaamacadaha carbta.
Idlaadkii tabo-barka kaddibna waxa ay dhammaan macalimiintu halkaa ku bogaadiyeen Dr.abdirahmaan iyo qaabka habboon ee uu usoo gudbiyey tabo-barkaa koobnaa.
Gunaandkii tabo-barkaas ayaa ahaa mid lugu qabtay barxadda Golisa hotel ee magaalada burco, halkaas oo ay isku arkeen bahda Jaamacadda AL-Najaax oo dhammi, kuna wada qaateen wakhti wanaagsan iyo casho sharaf billan.
WA BILLAHI TAWFIIQ