Munaasibad lagu daahfuray billawga xarun casri ah oo Jaamacadda loo dhisayo
Iyada oo ay iska kaashanayaan Jaamacadda Al-Najaax iyo shirkadda dhismaha ee Najax ayaa si rasmiya waxa u Hir-galay dhax-dhiga bilawga dhisme Casri ah oo loo dhisayo Jaamacadda Al-Najaax.
Munaasibadan oo si bilan loo soo Agaasimay ayaa waxa ka soo qayb-galay Marti-Sharaf isugu jira Wasiiro, Culimo, Salaadiin, Odayaal-dhaqameed, iyo Aqoon-yahan kala duwan.
UguHoreyna Waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Al-Najaax Dr.faysal Max’ed Cali, iyo Gudoomiyaha Golaha Sare ee Jaamacadda Al-Najaax Sh.C/laahi Daahir Jaamac, iyaga oo faahfaahiyay ujeedada Munaasabadan, tibaaxayna baahida loo qabo dhammaystirka xaruntan, iyo Ahamiyadda wayn ee ay u leedahay Qarankan oo idil, isaga oo Sh.C/laahi u mahad-naqay Shirkadda Hass oo lacag dhan 150.000 oo daallar ku darsatay billawga dhismahan.
Kadib waxa hadalka u kala danbeeyay Culimo kala duwan, oo isugu jira kuwa gobolka iyo kuwo gobollada kale ka socdayba.
Sh. C/Naasir Xaaji Axmed, oo ah Shiikhul Baladka Magaalada Laascaanood ayaa waxa uu tilmaamay in ay Jaamacadda Al-Najaax tahay mid Isha lagu hayo , isla markaana ay tahay iftiin u soo baxay gabi ahaanba Geeska Afrika, isaga oo ugu baaqay Dadka Khayrka jecel in ay sadaqadan Jaariga ah ay wax ku darsadaan kana Qayb Qaataan .
Dhankiisa Gudoomiyaha Shirkadda Dhismaha ee Najax Eng. C/raxmaan Max’ed ciise ayaa sheegay in ay ku dhiiradeen bilaabista Mushruucan wayn iyada oo aan la wada hayn Lacagtii uu ku kacayey, Rajo wayna ay ka qabaan dadka Muxsiniinta iyo Ahlu Khayrka ahi in ay u soo Baratamaan, Hirgeliyaana Dhismahan, isaga oo ballan qaaday in ay isaga iyo Shirkaddiisuba sida ugu wanaagsan ee ugu Qurxoon uga soo bixi doonan yagleelidda Dhismahan.
Waxa isna Xusid midan Weriye/Samo-Fale C/maalik Muuse Coldoon iyo bahdiisa ( kaalmee kuwan - kk ) oo lacag dhan 1.200 oo dollar ku darsaday Bilowga Mashruucan , noqdayna Qofkii u horeeyay ee Munaasibadaa kaga dhawaaqa Deeq Lacageed.
Diyaarin iyo Habayn
Maxamed Mustafe Yuusuf